Make your own free website on Tripod.com
not equal dweller of the fire and the Dweller of pradise it is the Dweller of Pradise that will be Sucessfull
HAWEENKII RASUULKA SCW(UMAHAATULMUMINIIN EE WANAAGSANAA
Muslim Religion Based On The Teaching Of The Prophet Muhammad; Languages & Religion
Tafsiir: Hilinkatoosan: altaqwaa :Masjidka Tawfiiq:boqolsoon:"islamonline Anasheed addacwah waaniye:SALAAT: RAMADAN: ZAKAT |: SHIFO : XAJ : tawfiiq: Qaamuus:Mini Muslims RUNTA Qur'aanCaqiido shariica:2garre XAJ | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO google
HOMETAFSIIRKAQURAANKADUMARKASALAADAMUXAADARO1MUXAADARO2TAARIIKHDACOMPUTERKAQURBAHA
 
 

Aqoonta Kumbiyuutarka halka ka daalaco
Hordhac
Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?
Casharka 2-aad: Personal Computers (PC)
Casharka 3-aad: Dhismaha KumbiyuutarkaPC)
Casharka 4-aad:Motherboard ama Mainboard
Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
Casharka 9-aad: Processor-ka
Casharka 10-aad: Noocyada Processor-ka 1
Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2
Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3
Casharka 13-aad: Memory-da
Casharka 14-aad: Hard Disk-ga
Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga
Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga
Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka
Casharka 21-aad: CD Burner-ka
Casharka 22-aad: DVD Drive-ka

Buugaag Bilaash ah iyo links

html.somalitalk.com waxaad ka helaysaa casharro HTML ah oo ku qoran af-soomaali
ComputerAssociates International, Inc. Waxaad ka hellaysaa program Anti Virus ah oo lacag la'aan u ah qofkii u isticmaalaya si private ah. Program-kaas oo layiraahdo InoculateIT, waan tijaabinay waana fiican yahay ee ka faa'iideyso.
JavaBooks & Tutorials, FreeJava Book, JavaTutorial (Sun), JavaSoft.com, CTutorial, C++ Tutorial, Perl, CGIDeveloper's Guide, CGIQuick Reference, Redhat Linux

Ururka Isbahaysiga Somalida Sweden
 

Kumbiyuutarka iyo taariikhdiisa

Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo socda:

  • Waa maxay kumbiyuutar?
  • Taariikh kooban.
  • Noocyada Kumbiyuutarka.

Waa maxay kumbiyuutar?

Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.

Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm.

Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.

Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.


Taariikh kooban

Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar.
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).

Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.

Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.
Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.


Noocyada kumbiyuutarka

Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:

  • Super Computers
  • Big Computers
  • Mini Computers
  • Personal Computers

Super Computers iyo Big Computers

Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa isticmaala shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar fulin karaan hawlo fara badan mana aha wax lala yaabo in boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan uuna isku wakhti ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan.

Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators. Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba.

Mini Computers

Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku mar qaban karaan ilaa konton arrimood.
Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga cimilada umana baahna operator joogto ah.

Personal Computers (PC)

Noocani waa nooca ugu yar inta badanna laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii aan horay uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay in la saaro miis dushiis, iwm.
PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga qiimaha. Noocaan waxaa markii hore loogu tala galay in qofka isticmaalyaa uu markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la isku xiro kumbiyuutarro badan (Computer Network) halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada isticmaalaan hal program ama in ka badan.

Qeybaha dambe ee cashareedeena waxaan kaliya oo aan haddii rabbi idmo uga hadli doonnaa noocaan dambe ee PC annagoo qeyb qeyb u soo qaadan doonna qeybaha uu ka kooban yahay iyo program-yada uu ku shaqeeyo.

Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii -aad laga soo bilaabo 01-06-2000

Hordhac | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Noocyada Hard Disk-ga

Casharrada 14-aad, 15-aad iyo 16-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Disk-ga.

Habka uu Hard Disk-gu ugu xirmo akhbaartana ugu gudbiyo kumbiyuutarka intiisa kale waxaa loo yaqaan "Hard Disk Interface" aad ayuuna muhiim u yahay. Haddaba marka laga eego xagga Interface-ka Hard Disk-ga waxaa Hard Disk-yada maanta la isticmaalo loo kala qaadaa laba nooc oo kala ah:

1.    IDE

2.    SCSI

Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.


1.    IDE

Hard Disk-yada isticmaala Interface-ka loo yaqaan IDE (Integrated Drive Electronics) waxaa lagu magacaabaa IDE Hard Drives, waana nooca ugu caansan uguna badan ee lagu isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. Magacyada kale ee Interface-kaan loo yaqaan waxaa ka mid ah ATA, ATA/ATAPI, EIDE, ATA-2, Fast ATA, ATA-3, Ultra ATA iyo Ultra DMA. Magacyadaasi waxay ka turjumayaan marxaladihii uu Interface-ka IDE-gu soo maray iyadoo marka uu cillad weyn ka gudbo ama uu tallaabo weyn hore u qaadaba magac cusub loo bixinayay.

Markuu noocaani soo baxay wuxuu kor u qaaday xawaaraha, adkaysiga iyo is afgaradka Hard Disk-yada. Noocaan waxaa inta badan lagu isticmaalaa Kumbiyuutarrada loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha kumbiyuutarka u isticmaala howl maalmeedkooda. Taasna waxaa u sabab ah qiimihiisa oo jaban iyo isticmaalkiisa oo fudud. Markii ay shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa arkeen in kumbiyuutarrada ugu badan ee la gataa ay yihiin nooca loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha ayaa waxay go'aansadeen inay soo saaraan kumbiyuutarro qiimahoodu jaban yahay oo uu Motherboard-kooda ku dhex dhisan yahay Interface-ka IDE-ga (fiiri Casharka 8-aad) islamarkaana uu la socdo ugu yaraan hal Hard Disk oo uu noociisu yahay IDE. Taasi waxay keentay in noocaani uu suuqa qabsado.

Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu soo maray marxalado badan oo marba marka ka dambeeya waa la sii casriyaynayay. Billawgii waxaa inteface-ka IDE-ga loogu tala galay Hard Disk-yada oo kaliya, tiro ahaanna wuxuu qaadan jiray oo ku xirmi karay laba Hard Disk oo kaliya. Waayo wuxuu lahaa hal kanaal (waddada uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale) oo ay ku xirmi kareen laba Hard Disk oo keliya. Waxaa intaas sii dheeraa iyadoo Hard Disk-ga adeegsanaya Interface-ka IDE-ga uu qaadkiisu (size) ku koobnaa ugu badnaan 504 MB oo keliya. Waayo Interace-ka IDE-ga iyo BIOS-ka midna awood uma lahayn inuu maamulo Hard Disk uu qaadkiisu ka weyn yahay 504 MB.

Billawgii 1990-meeyadii ayaa waxaa la garawsaday baahida loo qabo in Interface-ka IDE-ga loo isticmaalo qalab kale oo aan Hard Disk ahayn. Taasina waxay keentay in wax laga beddelo sidii uu IDE-gu u shaqayn jiray si uu u aqbalo qalab aan ahayn Hard Disk-gii markii hore loogu tala galay. Interface-ka IDE-ga waxaa maanta Hard Disk-yada la wadaaga qalab kale oo ay ka mid yihiin CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iwm, wuxuuna sida caadiga ah leeyahay laba kanaal oo ay kiiba ku xirmi karaan laba ka mid ah qalabka aan kor ku soo sheegnay. Guud ahaan waxay labada kanaal qaadan karaan 4 qalab oo isugu jira Hard Disk-yo, CD-ROM, Zip Drive iyo Tape device. Waxaa kale oo meesha ka baxay xadkii qaadka Hard Disk-gu uu ku xaddidnaa 504 MB oo waxaa maanta IDE adeegsada Hard Disk-yo uu qaadkoodu kor u dhaafayo 30 GB.

o        IDE Channels

Waddooyinka uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale ayaa waxaa loo yaqaannaa Channels. Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu sida caadiga ah leeyahay laba kanaal. Labadaas kanaal oo sidaan hore u soo sheegnay ku dhex dhisan Motherboard-ka waxay kala yihiin:

1.    Primary Channel

2.    Secondary Channel

Mid kasta oo ka mid ah labadaas kanaal waxaa gala ama ku xirma fiilo ballaaran oo muuqaalka guud uga eg suunka ay askartu dhexda ku xirato (fiiri sawirka hoose).

Fiiladaasi waxay sida saawirka kaaga muuqata leedahay saddex af oo midkood ku xirmo Motherboard-ka. Labada kale waxaa ku xirmi kara mid ka mid ah qalabka isticmaala Interface-ka IDE-ga ee aan kor ku soo sheegnay. Qalabka labada af ee dambe ee fiiladaas ku xirmayaa waxay tusaale ahaan noqon karaan laba Hard Disk ama hal Hard Disk iyo hal CD-ROM iwm. Khasab ma aha in labada afba wax lagu xiro oo taasi waxay ku xiran tahay hadba tirada qalabka aad haysato. Tusaale ahaan haddaad haysato hal Hard Disk oo kaliya islamarkaana aadan haysan CD-ROM, markaa wuxuu Hard Disk-gaasi ku xirmayaa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka. Afka kale ee Primary Channel-ka iyo labada af ee Secondary Channel-kuba way iska banaanaanayaan oo waxba kuma xiraysid, illeen waxaad ku xirtaba ma hayside. Haddaadse haysato hal Hard Disk iyo hal CD-ROM markaa Hard Disk-ga waxaad ku xiraysa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka, CD-ROM-kana waxaad ku xiri kartaa afka kale ee Primary Channel-ka ama mid ka mid ah labada af ee Secondary Channel-ka. Sidaa iyo si la mid ah ayaad u isticmaalaysaa labada kanaal iyo afafkoodaba.

o        Master / Slave

Mid kasta oo ka mid ah kanaallada IDE-ga waxaa, sidaan hore u soo sheegnay, ku xirmi kara hal ilaa laba ka mid ah qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga. Haddaba si ay u suurto gasho in hal kanaal ay wada adeegsadaan laba shay, waxaa muhiim ah in la helo nidaam lagu kala garto ama lagu kala sooco labadaas shay. Sidaa darteed ayaa waxa la soo saaray nidaam faraya in labada shay midkood laga dhigo Master kan kalena laga dhigo Slave. Si mid ka mid ah labada shay looga dhigo Master ama Slave waxaa la adeegsadaa waxa loo yaqaan Jumper oo ah qolof yar oo madaw oo lagu daboolo laba ka mid ah ilko yar yar oo bir ah oo ku samaysan qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga (fiiri sawirka hoose).

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda laba ilkood oo lagu daboolay Jumper islamarkaana ay labada dhinac ka kala xigaan min laba ilkood oo aan wax dabool ahi saarnayn. Sawirkaas oo muujinaya qaar ka mid ah Jumpers-ka Motherboad-ka waxaan ugu tala galnay oo keliya inaad ku fahamto waxa uu Jumper-ku yahay.

Qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga waxaa inta badan la socda akhbaar kuu sheegaysa sida qalabkaas looga dhigo Master ama Slave. Akhbaartaas waxaad had iyo jeer ka heli kartaa buugga yar ee la socda qalabkaas. Waxaa kale oo ay shirkadaha qaarkood akhbaartaas ku qoraan qalabka dushiisa ama warqad dusha looga sii dhejiyo qalabkaas. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa Hard Disk lagu dul qoray akhbaarta sheegaysa sida Hard Disk-gaas looga dhigo Master ama Slave.

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda lix ilkood oo laba laba isugu aaddan. Labada ilkood ee xiga dhanka bidixe waxaa ku hoos qoran xarfaha "MA" oo u taagan Master, taasoo micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Master Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee bidixda xiga. Labada ilkood ee dhexe waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "SL" oo u taagan Slave, taasoo uu micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Slave Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee dhexe. Labada ilkood ee midigta xiga waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "CS" oo u taagan Cable Select, taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gaasi uu adeegsanayo fiilo gaar ah oo iyadu awood u leh inay iskeed u kala garato Master iyo Slave iyadoo aan si cad loogu sheegin.

o        Xawaaraha IDE-ga

Hard Disk-yada uu noocoodu yahay IDE-gu xawaare ahaan way ka gaabiyaan nooca kale ee loo yaqaan SCSI oo aan ka hadli doono. Seek Time-ka Hard Disk-yada IDE-gu wuxuu u dhexeeyaa 8 ms ilaa 10 ms. Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 3 ms ilaa 5.6 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 11 ms ilaa 15.6 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 11 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 15.6 ms.

2.    SCSI

Nooca labaad ee Hard Disk-yadu waa kuwa adeegsada Interface-ka loo yaqaan SCSI (Small Computers System Interface) oo loogu dhawaaqo "iskaasi". Interface-ka SCSI-gu wuu ka heer sarreeyaa, xawaare ahaana ka dheereeyaa Interface-ka IDE-ga ee aan hore uga soo hadalnay, waxaana jira dhinacyo dhawr ah oo SCSI-gu uu kaga fiican yahay IDE-ga. Sidaa darteed ayaa SCSI waxaa inta badan loo isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan Servers-ka ee loo isticmaalo inay xarun u noqdaan islamarkaana ay kala hagaan akhbaar ama howlo ay dad badani isla isticmaalaan. Kumbiyuutarrada noocaas loo isticmaalo waxaa tusaale ahaan ka mid ah Web Hosts (oo ah kuwa xarunta u ah Homepage-yada Internet-ka) iyo kuwa loo yaqaan Mail Servers (oo ah kuwa xarunta u ah E-mail-ka la isu diro) iyo kuwo kale.

Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu way ku yar yihiin suuqa kumbiyuutarrada ay dadka caadiga ahi isticmaalaan, waayo qiimahooda ayaa ka sarreeya kan IDE-ga islamarkaana dhinacyada uu SCSI-gu kaga fiican yahay IDE-ga waa kuwo aan faa'iido sidaas ah oo la dareemi karo u lahayn dadka caadiga ah. Intaas waxaa dheer iyada oo SCSI uu xagga isticmaalka ka adag yahay IDE. Taasi waxay keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan kumbiyuutarradooda u doortaan IDE.

Interface-ka SCSI-gu inta badan kuma dhex dhisna Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo loo yaqaan SCSI Host Adapter oo la geliyo mid ka mid ah Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga badan inta IDE ku xirmi karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk Interface ee waa Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15 nooc oo ka mid ah noocyada qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo. Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan 15 ah qalab kala duwan. Laakiin sida xaqiiqada ah way adag tahay in hal kumbiyuutar lagu xiro tiro intaas le'eg oo ah qalab kala duwan, waayo waxaa jira dhawr arrimood oo arrintaas ka dhigaya mid aan munaasab ama suurtogal ahayn.

Si loo kala sooco qalabka ku xirmaya Interface-ka SCSI-ga waxaa mid kasta oo qalabkaas ka mid ah la siiyaa nambar u gaar ah oo lagu garto. Nambarkaas waxaa loo yaqaan SCSI ID wuxuuna ka billawdaa 0 (eber) iyadoo mar kasta lagu darayo hal, sida 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7 ... iwm. Hal nambar islama qaadan karaan laba shay ama wax ka badan, waayo haddii ay taasi dhacdo waxaa imaanaysa in labada shay ee isku nambarka ahi ay isku dhacaan oo la kala garan waayo. Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in shay kastaa uu qaato hal nambar oo isaga u gaar ah.

Qalabka adeegsada Interface-ka SCSI-gu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah:

1.                Internal Devices: Oo ah qalabka la galiyo oo lagu rakibo santuukha kumbiyuutarka dhexdiisa sid Hard Disk-yada, CD-ROM, CD-WR, Tape Drives iyo kuwo kale.

2.                External Devices: Oo ah qalabka xagga dambe kaga xirma santuukha kumbiyuutarka iyagoo bannaanka yaalla sida Printers-ka, Scaners-ka iyo Hard Disk-yada iyo CD-ROM-yada ku xirma santuukha kumbiyuutarka iyagoo bannaanka ka yalla (External Hard Drivers / External CD-ROM Drives) iyo kuwo kale.

Halka IDE markiisii hore loogu tala galay Hard Disk-yada oo keliya, SCSI waxaa markiisii horeba loogu talagalay inay isticmaalaan qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo iyadoo aan Hard Disk-yada la siinin mudnaan gaar ah oo laga duulayay in Har Disk-yadu ka mid noqdaan noocyada qalabka kala duwan ee adeegsanaya Interface-ka SCSI. Taasi waxay keentay in SCSI uu xagga xawaaraha, tirada noocyada qalabka ku xirmi karaba kaga horreeyo nooc kasta oo ka mid ah noocyada Interface-yada loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.
 Xawaaraha SCSI-ga

Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu xawaare ahaan way ka dheereeyaan nooca kale ee loo yaqaan IDE-ga. Seek Time-ka Hard Disk-yada SCSI-gu wuxuu u dhexeeyaa 4 ms ilaa 8 ms. Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 2 ms ilaa 3 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 6 ms ilaa 12 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 6 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 12 ms.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Floppy Disk Drive-ka.

Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com


Waxaad tahay akhristihii -aad laga soo bilaabo 2001-08-05

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

DVD Drive-ka

DVD Drive  
Sawir muujinaya nooc ka mid ah DVD Drive-yada suuqa ka jira

DVD drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxammada DVD-ga ee lagu daawado filammada iwm. Waxa kale oo DVD drive-ka loo adeegsadaa in saxammada DVD-ga akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Saddexda xaraf ee DVD-ga waxaa la sheegaa in ay u taagan yihiin "Digital Video Disc" ama "Digital Versatile Disc", hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in saddexdaas xaraf la iska doortay oo aysan wax micne leh u taagnayn.

DVD drive-ku sida CD Burner-ka ayuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba wuxuu kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay Casharka 19-aad iyo Casharka 20-aad. DVD drive-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa DVD drive-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto  DVD drive uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm.
 

DVD Drive-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD Burner-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan DVD Drive-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas.
 

Baaxadda iyo cabbirka saxammada DVD Drive-ka

Baaxadda saxammada DVD-gu aad ayay uga weyn tahay kuwa CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka waxayna baaxaddoodu gaaraysaa inta u dhexeysa 4.7 GB ilaa 17 GB (xusuusnow in halkii GB uu u dhigmo 1000 MB). Kordhinta baaxadda DVD-ga waxaa keenay arrimaha soo socda:
 

  1. Marka saxammada DVD-ga iyo CD-ga akhbaar lagu qorayo waxaa oogada saxanka lagu gubaa dhibco aad u yar yar oo ili ma aragtay ah. Haddaba si looDVD bits CD pits kordhiyo baaxadda saxanka DVD-ga waxaa la yareeyay dhumucda dhibcaha lagu gubo oogada DVD-ga iyadoo halkii dhibicba dhumucdeeda laga dhigay ugu yaraan 0.4 microns (0,001 mm) halka dhumucda dhibicaha lagu gubo oogada CD-gu ay ka tahay ugu yaraan 0.83 microns. Teeda kale waxa la yareeyay fogaanta u dhaxaysa Track-yada saxanka DVD-ga oo fogaantaas waxaa laga dhigay 0.74 microns halka fogaanta u dhaxaysa Track-yada CD-gu ay ka tahay 1.6 microns. Halkaa waxaa ka dhashay in akhbaarta lagu qoro DVD-gu ay aad isugu cufnaato, taasoo keentay in saxanka DVD-gu uu qaado akhbaar gaaraysa ilaa 4,7 GB. Fadlan fiiri labada sawir ee midigta ka muuqda kuwaas oo muujinaya farqiga xagga cufnaanta akhbaarta ee u dhexeeya CD-ga iyo DVD-ga.
     
  2. Waxaa la suurto galiyay in akhbaarta saxanka DVD-ga lagu qoro laba lakab (layers) oo is dul saaran iyadoo halkii lakabba uu qaado 4.7 GB, taasoo keentay in DVD-gu uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB. 
  3. Waxaa kale oo la suurto galiyay in saxanka DVD-ga labada dhinacba wax looga qoro taasoo iyaduna keentay in hal saxan uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.
     

Marka laga eego xagga baaxadda waxaa guud ahaan saxammada DVD-ga loo kala qaadaa afar nooc oo kala ah:

  1. Single sided / single layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro hal lakab oo kaliya. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta 4.7 GB.
  2. Single sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro laba lakab oo is dul saaran. Saxammada noocaan ahi waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB.
  3. Double sided / Single layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, laakiin dhinac kasta akhbaarta lagu qoro hal lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 9.4 GB.
  4. Double sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, islamarkaana dhinac kasta akhbaarta lagu qoro laba lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.
     

Saxammada DVD-gu waxay xagga cabbirka kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka".
 

Muhiimadda DVD Drive-ka

DVD Drive-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay iyadoo baaxadda saxammada DVD-gu ay aad uga weyn tahay tan saxammada CD-ROM-ka iyo kuwa CD-Burner-ka. Hal saxan oo DVD ah ayaa waxaa lagu kaydin karaa akhbaar la mid ah inta ay qaadaan 7 ilaa 26 saxan oo ah CD-ROM-ka caadiga ah. Taasi waxay keentay in hal saxan oo DVD ah lagu kaydiyo:
 

  • dhamaan akhbaarta ku jirta kumbiyuutarka (Full Backup).
  • filin dheer oo soconaya ilaa 3 saacadood islamarkaana tayada sawirradiisu aad u sarrayso iyo in weliba filinka la raaciyo akhbaar dheeri ah oo filinka barbar socota oo dadkii filinka sameeyay ay sharraxaad uga bixinayaan sida filinka loo sameeyay iyo micnaha iyo ula jeeddada ka dambaysa qayb kasta oo filinka ka mid ah.
  • Tiro ciyaaro ah (games) oo ay tayada sawirradoodu (Graphics) ay aad u sarrayso.
  • dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay mid ka mid ah buugaagta loo yaqaan encyclopedia ee ka hadla taariikhda iyo dhacdooyinka adduunka, waddammada, dadka, xayawaanka, cayayaanka, dhirta, macdanta iyo dhammaan laamaha culuunta kala duwan.
  • heeso fara badan oo marka la isu geeyo socon kara ilaa 16 saacadood.
     

Faa'iidooyinka kale ee uu DVD Drive-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka".
 

Dhismaha DVD Drive-ka

DVD Drive-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD buirner-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Drive-ka".  Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhinacyo uu DVD Drive-ku kaga duwan yahay CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Dhinacyadaas waxaa ka mid ah:
 

  1. Head-ka DVD drive-ku wuxuu adeegsadaa farsamo u suurto galinaysa in uu iftiinka Laser-ka ku beego hadba dhinaca saxanka iyo lakabka uu rabo inuu wax ku qoro ama wax ka soo akhriyo. Taasoo micneheedu yahay in DVD drive-ku uu awood u leeyahay in iftiinka uu saxanka uga shido dhinaca hoose islamarkaana uu ku beego oo uu wax ka soo akhriyo dhinaca kore lakabka ugu sarreeya. Haddii tusaale ahaan uu saxanku yahay Double-sided / Double layer wuxuu markaa iftiinku ka gudbayaa saddex lakab oo akhbaar ah si uu u soo akhriyo akhbaarta ku qoran lakabka ugu sarreeya isagoo aan akhbaarta isku khaldayn.
  2. DVD Drive-ku wuxuu u baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan isaga loogu tala galay saxammadaas oo u kala baxa sida aan kor ku soo sheegnay. 
Marka laga reebo in saxanka DVD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo DVD Drive-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee ku jira saxammada DVD-ga, CD-ROM-ka, Audio Drive-ka (Stereo) iyo kuwa CD-R iyo CD-RW oo ay DVD drive-yada badankoodu wax ka soo akhrin karaan. Markaa wuxuu DVD Drive-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah. Taas micnaheedu wuxuu yahay in DVD Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha ay qabtaan CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka iyo in kale oo lagu sii kordhiyay. Haddaba sida aad halkaa ka garan karto DVD Drive-ku wuxuu ku socdaa in mustaqbalka uu suuqa ka saaro CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka labadaba.

 

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada iyo xawaaraha DVD Drive-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Waxaad tahay akhristihii -aad laga soo bilaabo 2003-06-01

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

[an error occurred while processing this directive]