not equal dweller of the fire and the Dweller of pradise it is the Dweller of Pradise that will be Sucessfull
HAWEENKII RASUULKA SCW(UMAHAATULMUMINIIN EE WANAAGSANAA
Muslim Religion Based On The Teaching Of The Prophet Muhammad; Languages & Religion
Tafsiir: Hilinkatoosan: altaqwaa :Masjidka Tawfiiq:boqolsoon:"islamonline Anasheed addacwah waaniye:SALAAT: RAMADAN: ZAKAT |: SHIFO : XAJ : tawfiiq: Qaamuus:Mini Muslims RUNTA Qur'aan»Caqiido shariica:2garre XAJ | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO google
HOMETAFSIIRKAQURAANKADUMARKASALAADAMUXAADARO1MUXAADARO2TAARIIKHDACOMPUTERKAQURBAHA
  íóÇ ÃóíøõåóÇ ÇáäøóÇÓõ ÇÊøóÞõæÇú ÑóÈøóßõãõ ÇáøóÐöí ÎóáóÞóßõã ãøöä äøóÝúÓò æóÇÍöÏóÉ

Waa sidee xaalka ubadkeena kunool qurbaha Q. 14aad

Waxaan dhawr jeer xusnay inay jiraan waalid ilmahooda ku fara adayga, iskuna daya inay ka badbaadiyaan mawjadahan aan kala go’a lahayn, laakiin suurtagal ay u noqon waydo inay ilmahooda samatabixiyaan. Waxaa jira marar  waalidka ama cid kaleba aanay waxba ka tari karin badbaadinta carruurta, dadaalkooduna uu noqdo hal bacaad lagu lisay.

Reero badan oo kolkii hore isla qumanaa ayay goor dambe runtu ka dabatimid oo ogaaday inaanay awlaadi faro ugu jirin. Sidoo kale qaar waalidiinta ka mid ah oo wadankii jooga oo markii hore ilmahooda soo diray si ay waxuun waxtar ah uga helaan ayaa goor dambe waaya meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Waqti dambe ayaa loogu warramaa inuu ilmahoodii xarga-goosteen oo ay beerta galeen (xumaadeen), amaba la yiraahdo hebla ama hebel waa waashay amaba  xabsi ayuu ku jiraa.

Waxaa la ii sheegay wiil isagoo kuray yar ah soo raacay abtiyaashii oo ay Yurub keeneen. Wuxuu ahaa Wiil yaraantiisii uu waalidkii u soo dadaalay oo ay Diinta wax ka bareen. Wuxuu gaaray meel wiil da’diisa ah lagu ammaano halkii ugu sarraysey  oo ah inuu ahaa wiil Qur’aanka xifdiyey.

Wuu caymo qabay intii uu abtiyaashii la joogay, laakiin maalintii uu 18 jir gaaray ayuu dalbaday inuu gooni u dago. Guri ayaa la siiyey, xoogaa uu ku noolaadana waa loo qoray.Goobtii wuxuu ka helay wiilal badan oo da’diisa ah oo markaa adduunyo afka u kala qaadday. Asxaabtiisii ayuu dhinac ka raacay, dabadeedna waxaa bilaambay dagaalkii koowaad oo dhexmara isaga iyo iskuulkii uu dhiganayey.

Waxbarashadii ayaa markii hore loogu maaro waayey oo lagu kari waayey, Cibaadana warkeeda daa, kadibna wuxuu bilaabay inuu ku biiro bahda habeenkii soo jeedda ee dhafarta. Xumaanba sidii ay xumaan ugu sii dhiibaysay wuxuu gaaray inuu xubin ka noqdo kooxo sharwadeen ah oo bahda mukhaadaraadka ah.

Abtiyaashi iyo dadkii yiqiinba isku daye inay gabigaa uu iska xooray ka soo qabtaan, qabanse kari waaye. Wiilkii yaraa ee xaafidka ahaa, waalidkiina xurquun ay ka heli jireen, wuxuu hadda ku jiraa goob lagu daryeelo dadka waalan.

Dhalinyaro ay hore isku yaqiinneen ayaa sheegay in markii la soo hayey wiilka ay arkeen iyadoo la haysto oo la leeyahay kiradii guriga ayuu bixin waayey kadibna gurigii ayaa laga xirtay. Wixii uu malaha heloba sigaar iyo qaad ayuu siistaa, kadibna wuxuu ku dambeeyey inaanu ka maqnaan jirin oo uu boos ku yeesho baar khamriga lagu cabbo. Goor dambe ayuu isku dhexyaacay, lana arkay isagoo xiddigaha tirinaya oo isla hadlay.

Waxaa badan dhalinyaro sidiisoo kale ah oo qaarkoodna xabsiyada ku abaadeen, kuwana iyagoo raamo leh suuqyada wareegaan. Wax badan ayay dhagahayaga ku soo dhacday hebel wuu isku buuqay dabadeedna irbad ayaa lagu dhuftay  oo meelahaa ayuu  qashinka uruuriyaa oo uu wareegaalaystaa.

Wiil dhalinyaro ah oo qoladaa isku buuqday ka mid ah ayaa inta habeen Toorrey guntiga gashaday la galay Hotel weyn. Dhawr qof oo rag iyo dumar isugu jira oo markaa cashaynaya ayuu nin markaa xigay Tooridii dhabarka kaga daabay. Qaylo iyo kala carar kadib waa la qabtay, kadibna booliskii ayaa loogu yeeray. Markii la waydiiyey waxa ku bixiyey waxa uu falay wuxuu yiri: Oo goormaan nimankan heshiinnay” Hadda isagoo xasillan oo ciduu waxyeelo iska daaye hadalkiiba gabay ayuu joogaa.

Dhalinyaradu markii ay muddo ku dhexjiraan labadaa dhaqan ee is diidan ee ah midka guriga muslimka ah ee ay ku soo barbaareen iyo midka bulshada galbeedka ee ay jaarka la noqdeen ayay marka dambe qaarkood xargaha goostaan oo ay fakadaan. Halkii ay u baxsadeen  ayaa waxaa haddana uga yimaada caqabado badan oo aanay maarayn Karin. Waxay la qabsan waayaan nolosha dadkii ay dhexgaleen, waxaana ku yimaada dhibaatooyin badan oo aanay iska difaaci Karin una babac dhigi Karin. Taa ayaa waxay keentaa in dhalinyaro badan nolosha ka dhacaan, oo ay marka dambe waayaan meel ay u ciirsadaan.

Arrimahaa waxay keenaan inay dhalinyaradii meel dhexe ku lumaan oo ay reerahoodiina ka soo tagaan, bulshadii ay u galeenna ay la qabsan waayaan. Reerkoodii waji uma yaal oo kuma dhiirran karaan inay  dib ugu noqdaan, qoladii ay u tageenna soo tufe oo naf uma hayaan, markaa waxay noqdaan “Hal nin gurrani dheelmay dhinacna uma fayooba”  
 
Waa sidee xaalka ubadkeena kunool qurbaha Q. 15
 
KALA DUWANAANTA DHAQANKA IYO QAANUUNKA

Waxaa in badan lagu halqabsadaa in deegaanku yahay tuug wax xada midka ugu dhagarta badan oo aan la garan xilliga uu wax xadayo iyo waqtiga uu soo aaddan yahay. Si sibiq ah oo aan la dareemi karin ayuu qofka ku soo galaa, dabadeedna waxaa maalinta dambe la arkaa qofkii oo uu hoggaan ku ritay.

Waxaan meelo hore ku xusay saamaynta xoogga badan ee deegaanku ku leeyahay bulshada, iyo sida aan qofna uga fakan karin. Deegaanku kaligii wax iskama badalee, waxa wax badalaa waa bulshada deegaankaa ku nool. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; Dariskaagu waxaan Caddaan iyo Madow ahaynba waa ku galiyaa. Waa sababtaa midda Islaamku u adkeeyey in qofka muslimka ahi deegaan ka dhigto waddan aan muslim ahayn.

Ummaddii Muslimka ahayd ee u qaxday wadamada galbeedka waxay u tageen dad ay dhinac walba ku kala duwan yihiin. Haddii ay ahaan lahayd Diin, Dhaqan, Qaanuun iyo sida loo nool yahayba. Diin iyo dhaqan waa waxa ugu muhiimsan ee ummadi isku aanaysato ama isku xiriiriso, kala duwanaanshuhu haddii uu labadaa arrimood galona waa adag tahay in la helo wax kale oo ummad xiriirin kara.Waa Ummad qaanuunkeeda iyo dhaqankeedu ku dhisan yihiin waxay iyagu gacantooda ku samaysteen, halka qofka muslimka ahi aaminsan yahay in la raaco qaanuunka ALLAAH dunida ugu talo galay. Waa kaaf iyo kala dheeri iyo arrimo aan marna la iswaafajin karin.

Qaanuunka galbeedku wuxuu ku dhisan yahay oo uu ku sar go’an yahay hadba sida waafaqsan dhaqankooda iyo noloshooda. Tusaale haddii aan u soo qaadanno qaabka qoyska; Waxa qoyska galbeedku ka kooban yahay labada waalid iyo hal ama laba ilmood, noloshooduna intaa ayay ku sar go’an tahay. Qaanuunka reerka ku saabsan waxaa lagu jaangooyey qoyskaa tirada yar ee dhawrka qof ka kooban. Halka laga yaabo in qoyska muslimka ah ee qaxa ku tagay uu ka kooban yahay lix ilaa  tobaneeyo qof. Qoyskaas isagoon dhib kale loo gaysan ayaa nidaamka qoyska reer galbeedka u dagsan wuxuu ku noqdaa culays aanay labada waalid ka soo bixi karin.

 Waxaa iyaga hoodo iyo ayaan u ah in lamaanihiiba uu laba ilmood haysto, ciddii ka badan doontaana waxay u arkaan qolo aan marna la qabsan karin nolosha casriga ah, khilaafsanna jaangooyada taranka dadka dunidu u dhigtay. Gabar reer galbeed ah ayaa  ALLAAH da’dii u horraysey wuxuu ku beeray mataano, waxayna dhashay wiil iyo gabar. Iyadoo aad u faraxsan oo gabar kale u sheekaynaysa ayay tiri: Waxaan jeclaa inaan laba ilmood dhalo, oo waliba kala ah wiil iyo gabar. Nasiibkayga hal mar ayaan dhalay oo ilmo dambe uma baahni.

Dhanka waxbarashada, waxaa wadamada galbeedka u dagsan in iskuulka iyo gurigu wada shaqeeyaan, iskana caawiyaan waxbarashada carruurta. Waxaa kale oo waalidka looga baahan yahay inuu tago kulamada waalidiinta,haddii ay noqon lahayd kulan guud ama mid gaar ahba. Waa arrin wanaagsan in waalidka iyo macallimiintu wada shaqeeyaan, laakiin waxaa laga yaabaa hal reer oo muslim ah in ilaa dhawr ilmood ay iskuulka aadaan, dhawrna ay xannaanada aadaan, qaar aan labadaba gaarinna ay guriga joogaan. Waxaa la arkaa in aabbihii shaqeeyo oo aanay u suurtagalin inuu dhammaan kulamadii waalidiinta  ka qayb galo, hooyadiina aanay ka badin karin inta ay guriga ku hayso.

Dhawr kulan haddii uu waalidkii iman waayo waxaa loo arkayaa inuu yahay qof qayrumasuul ah, sababtoo ah sharcigooda ayaa oranaya waalidkii aan kulamada iman inuu yahay qof aan masuul ilmaha ka qaadi karin. Iyagu waxay wax ku goosanayaan reer leh laba ilmood ee ma oranayaan reerkani carruur badan ayuu leeyahay, sidaa darteed uma suurtagalayso inuu kulan walba yimaado. Waxa kale oo aan dhacayn in qaanuun cusub loo dajiyo. Arrinkaa wuxuu reero badan ku keenay inay ilmihii dayacmaan, sidaana ay gacanta uga baxaan, marmarna ay keentoba in ilmihii lagala wareego.

Sidoo kale waxaa la mid ah isbitaalada oo laga yaabo in ilmihii loo sameeyo ballan dhakhtar. Dhakhtarku wuxuu isagu fiirinayaa maalinta uu firaaqada yahay ee oran maayo reer hebel talow waqti ma helayaan ay ilmaha kuugu keenaan. Waxaad mar walba la kulmi waalid ka welwelsan ballan dhakhtar oo ay baajiyeen kadib markii ay waayeen waqti ay ilmaha ku geeyaan. Waxaa markaa imanaysa in dhakhtarkii iyo waalidkii isku dhacaan, mararna waxayba keentaa in arrinkoodu dacwo gaaro. Mararka qaarkood waxaad ku arki goobaha caafimaadka hooyo kaliya oo  wadda dhawr carruur ah. Mid ay xawlka ku waddo,mid ay daadihinayso. Qofkii aan la socon xaalka wuxuu moodi in dhammaan carruurtu wada jirran yihiin. Ma jirranee, waxaa buka uun mid ka mid ah, kadibna intii kale cid looga soo tago ayaa la waayey, Aabbihiina inuu shaqo jiro ama aanuba joogin ayaa laga yaabaa, waxayna noqotay markaa in la soo wada kexeeyo.

Isbitaalada kaliya maahane meel kasta muuqaalkaas waad ku arki, haddii ay noqon lahayd dukaamada, xafiisyada, goobaha la isugu yimaado, goobaha basaska iyo tareemada laga raaco iwm. Markii aad la kulanto gabar soomaaliyeed oo la harjadeysa koox ilmo ah, oo lagaba yaabo in qaarkood  isku nuug yihiin, oo ay hareer walba ka xigaan wajiyo tuban oo aan gacalo u hayn, amaba il quursi ku fiirinaya run ahaantii maahan muuqaal ku farax galinaya.
 
Waa sidee xaalka ubadkeena kunool qurbaha Q.16aad

Dhibaatooyinka kala duwanaanta dhaqanka iyo qaanuunka ee aan qaar soo xusnay waxay iyana ka jirtaa goobaha shaqada. Wadamada galbeedka qaarkood waxaa qofka shaqaalaha ah loo ogol yahay sanadkii dhawr jeer inuu fasax shaqada ka qaato si  uu ugu qabsado arrimaha gaarka u ah ee ku yimaada, haddii ay noqon lahayd ilmo ka xanuunsada, geeddi galay iwm.

Qoyska ka kooban tobaneeyo qof oo ku nool galbeedka waxaa la arkaa in bil walba arrin cusubi ku timaado oo uu waalidku u baahdo fasax. Waxaa aabbayaal badan ku yimaada inay maqnaansho iyo fasax badan dartood  shaqadoodii ku waayaan.

Waxaa ka dhaca goobaha shaqada doodo iyo isqabqabsi badan oo ka iman kara dhinacyo badan. Waxaad maqli su’aalo badan oo la waydiinayo culimada oo intooda badan ku saabsan khilaaf dhexyaal shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha. Qaar ayaa leh waxaa naloo diiday inaan salaaddii jimcaha soo tukanno, qaar leh waxaa nalagu qasbay inaan khamri iyo wax la mid ah qaadno, qaar leh waxaa shaqo naloogu  diray goobaha baararka khamriga iyo wax la mid ah. Shaqaalihii muslimka ahaa wuxuu is leeyahay waxaa lagu xadgudbayaa diintaadii markaa waa inaad difaacdaa, loo shaqeeyihiina wuxuu ku fakari qofkani shaqo uma baahna, illeyn qaanuunka u dagani wuxuu sheegayaa qofkii shaqo loo diro diida inay dambi weyn tahay.

Waxaa taa ka markhaati kacaya dooddii muddada taagnayd ee ka dhaxaysay taksiileyda gobol maraykanka ka mid ah oo u badnaa muslimiin iyo hay’adaha taksiyada leh iyo kuwa ku shaqada leh garoomada. Waxaa la isku qabtay taksiilaydii oo diiday inay qaadaan dadka khamriga wata iyagoo ka duulaya xadiiskii Nabiga NNKA ee lacnadayey qofka khamriga cabba, midka qaada….., iyo nidaamka maraykanka u yaal oo dhigaya in la qanciyo macaamiisha. Waxaa adkaatay in la is waafajiyo Xadiiskaa Nabiga iyo qaanuunka maraykanka.

Waxaa sidoo kale isdiidkaasi ka jiraa goobaha waxbarashada, laga bilaabo xannaanada ilaa jaamacadaha. Maadooyinka lagu qaato iskuulada waxaa ku jira kuwo si toos ah uga soo horjeeda Islaamka. Waxaa ka mid ah maaddo ku saabsan diimaha oo la leeyahay waa in ilmuhu bartaa diimaha, wadamada qaarkoodna maaddadaasi waa qasab. Maadadaa ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay  waa sidii loo faafin lahaa diintooda oo waa arrin dacwo ah, carruurtana loogu yeerayo qaadashada masiixiyadda. Waalid badan oo muslimiin ah ayaa isku dayey inay arrintaa ka dhiidhiyaan oo doodo badan ka sameeyey, runtuse waxay tahay inay tahay wax adag inay qoysas yar oo loo arko inay qaxooti yihiin  wax ka badalaan manhaj dawlad u dagsan, taas oo iskaba daa inay joojiyaane raba inay dibadda u suuqgeeyaan oo wadamo kale ku faafiyaan.

Ismaandhaafkaasi bulsho uu ka dhexjiro, sidee marka uga suurtagalaysaa oo looga filaa in la helo isku duubni iyo isfahan mujtamaca dhexdiisa ah. Waa culays runtii labada dhinacba dareemayaan, qolo walbaana iyadu isla gar leedahay.

Nin madax ka ah shirkad ayaa doodi dhex martay isaga iyo nin Muslim ah oo u shaqeeya. Muran soo noqnoqday oo gayeysiiyey in ninkii shaqaalaha ahaa uu  shaqadiisii ku waayo, ayaa maamulihii shirkadda iyo ninkii maalin wada hadleen. Maamulihii shirkadda waxyaabihii uu ku dooday waxaa ka mid ahaa: Intaan wadankayagii kuu ogolaannay adigoo qaxooti ah, kadibna sharci iyo shaqo isugu kaa darnay, ayaad markii gaajadii kaa hartay oo murqo kuusan aad la soo baxday annagii abaalka kuu galnay nagula soo noqotay. Waa Eygaaga cayili ha ku cunee! Halka kan kalena leeyahay: Waa nin aad u xun oo islaamka neceb oo cunsuri ah, wax kale iguma maagin oo aan islaanimada ahayn.

Wadamada qaar soomaalida waxaa looga yaqaan dad mashaqaystayaal ah oo jecel inay dariiqyada istubaan Sidoo kale inay yihiin dad aan waxba baran, halka qawmiyado kale oo ka soo jeeda  wadamada muslimiinta qaar ka mid ah aad maqli iyadoo la leeyahay waa dad shaqaysta, waxna barta. Miisaanka ama baaritaanka ay hay’adaha arrimahaa ku andacoodaa ay wax ku jaangooyaan waa mid ku salaysan sida ay iyagu wax u arkaan, ee kuma joongooyaan umana fiiriyaan bulsho kala dhaqan ah, kalana diin ah. Mar walba iyaga waxaa ammaan mudan ciddii qaadata dhaqankooda iyo afkaartooda si fiicanna ugu dhexmilanta.

Runtii dadku iskuma jiro oo waxaa la helayaa kuwo badan oo soomaali ah oo sifadaa la sheegay leh, oo dariiqyada oo ay ku sheekeeyaan waa kuu roonaan lahayde, qaad iyo mukhaadaraad godad kula jira. Waxa kale oo la helayaa kuwo badan oo shaqo u heellan, laakiin ama waayey, ama loo diiday iyadoo loo fiirinayo muuqaalkiisa oo raad diimeed ka muuqdo, amaba isku qaadi waaya shaqooyin badan oo ay helaan arrimo diineed dartood.

Kala duwanaantu waxay sidoo kale ka timaaddaa habdhaqanka qoyska. Qoyska galbeedka ninka iyo naagtu waxay u siman yihiin-sida ay leeyihiin-maamulka, dhaqaalaha iyo shaqada guriga. Markaa macnuhu waxaa weeye inaanu reerku hoggaan lahayn iyo kala dambayn. Runtii waa arrin khilaafsan caqliga saliimka ah. Waxaa reerka lagu sheegaa dawlad yar, dawladina kama maaranto kala dambayn iyo kala sarrayn. Waxaa la sheegaa in hal maalin oo dawladi madaxweyne la’aan ahaato dibdhaca ku dhaca inuu la mid yahay midka ku dhaca dawlad toban sano musuqmaasuq ku jirtay. Markaa waa sidee xaalka dawlad aan waligeedba madaxweyne yeelan.

Islaamku wuxuu farayaa kala dambayn iyo ismaqal, illaa nabigu NNKA ka amray in haddii laba qof safar wada galaan ay mid ka mid ah madax ka dhigtaan. Reerka waxaa islaamku u dhisay qaab aan oran karno markaan fahanka soo dhaweyno wuxuu la mid yahay midka dawladda. Aabbuhu wuxuu reerka ka joogaa halka  madaxweynuhu dawlada ka joogo, hooyaduna waa ku xigeen, halka awlaadana laga dhigo shacabkii. Reerkii muslimka ahaa oo kala dambayntaa wata ayaa wuxuu marti u noqday bulsho qaab-nololeedka qoysku yahay isfeeryaac iyo kala dambeyn la’aan. Wuxuu nidaamkoodu ka soo horjeedaa qaabka islaamka reerka u ratibay oo ah; Aabbaha-hooyada-carruurta, halka galbeedka lagu sheego; Carruurta-hooyada-aabaha. Qaar ayaaba carruur iyo reerba ka doorbida Ey yar oo uu suuqyada la wareego, gurigana wehel uga dhigto.

Qaybta tan xigta ayaan ku soo bandhigi doonaa inshaa ALLAAH qiso ka dhacday wadan ka mid ah wadamada galbeedka, oo runtii sawir dhab ah ka bixinaysa arrimahaa qoysaska.

Maqaalada la xiriira ee Cabdulqaadir C. Diini
 
Copyright © All rights reserved 2004 Lasoo xiriir: webmaster@tawfiiq.net

Waa sidee xaalka ubadkeena kunool qurbaha Q.17aad

Bal aan halkan ku soo aroorinno qisadii aan qoraalkii hore ku ballansanayd ee qaybtan noogu muddaysnayd.

Shiikh culimada Islaamka ka mid ah oo booqday wadan ka mid ah wadammada Galbeedka ayaa waxaa u yimid nin muslim ah oo wadankaa muddo joogay, wuxuuna uga qiseeyey arrin isaga ku dhacday, wuxuuna sheekadiisa ku bilaabay sidatan: Shiikhow waxaan daganaa wadan wadamada muslimka ka mid ah. Dhan walba Addinka Masaajidda ayaan maqli jiray, salaadahana waan ku tukan jiray. Maanan arki jirin kaniisad iyo saliib toona, dhawaqeedana dhagtaydu maanay maqal. Runtii ma haysan nolol aad u wanaagsan, guri weynna kuma noolayn,laakiin gurigayga yar ayaan boqor ku ahaa, xaaskayga iyo carruurtaduna igu hareeraysnaaayeen. Waxaan la socday halka ilmahaygu aadayaan iyo cidda ay la socdaan.

Xaalkaa anigoo ku jira ayaa  qaar qaraabadayda ka mid ah ii gacan haadiyeen, waxayna ii qurxiyeen inaan u haajiro wadamadaa hore u maray oo aan ka helayo nolol,dhalasho iyo nabadgalyo. Taladaa ayaan ku kadsoomay oo waxaan imid yurub. Waa la i qaabilay, waxaana la i dajiyey guri weyn aniga iyo reerkaygiiba.

Addinkii masjidka waxaa ii badalay ganbaleelkii kaniisadda, wajiyadii muuminiinta ee ifayey, nuurkana lagu dheehay waxaa ii badaley wajiyo tuban oo aan farxadi ka muuqan, laakiin raaxadii dhalanteedka ahayd ayaa i halmaansiisay oo iga indha tiray inaan arrinkaa si dhab ah ugu dhabbagalo. Muddo kadib ayaan xoogaa ku baraarugay xaaladda adag iyo fasahaadka dhulka yaal. Waxaan bilaabay inaan reerkaygii iyo carruurtaydii u baqo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa albaabkii guriga la soo garaacay, saa waa gabar yar oo leh waxaan saaxiib nahay oo isku iskuul nahay hebel waxaanan rabaa inaan u tago. Waan  cayriyey oo u cagajugleeyey, wiilkaygiina waan ku canaantay. Laba maalmood kadib ayaa hadana waxaa albaabka soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo leh waxaan saaxiib nahay hebla. Sidii oo kale ayaan eryey, reerkiina waxaan isugu yeeray kulan degdeg ah, waxaanan soo saaray amarro iyo qodobo aan cidina dhaafi karin, waa mamnuuc isdhexgalku…waa mamnuuc in guriga laga baxo illaa in masjidka ama iskuulka la aadayo mooyee….mamnuuc in lala sheekaysto dhalinyarada wadankan….mamnuuc…..mamnuuc.

Waxaan bilaabay inaan dabagal ku sameeyo amarradii aan bixiyey, waxaanan dareemay in arrinkii wax iska badalay, illaa ay dhacday masiibadii weynayd!!

Maalin ayaan u baxay adeeg si aan u soo iibiyo waxyaabo guriga looga baahnaa. Markii aan ku soo noqday gurigii anigoo adeeggii la ciiraya mise boolis ayaaba gurigii jooga. Waan yaabay oo aan is iri talow ma gurigii ayaa wax ka dheceen mise tuugo iyo balaayo kale ayaa soo weerartay oo kuu dabamartay?  Illeyn aniga ayaaba la i sugayaa!!

 Intii aan maqnaa ayaa xaaskaygii iyo gabar aan dhalay booliska aadeen, waxayna u gudbiyeen cabasho dhan iga ah oo oranaysa inaan xorriyadda ka qaaday oo aan si xun ula dhaqmo oo aan guriga u diiday in asxaabtoodu ku soo booqdaan iwm.

Booliskii arrintii ayey ii soo gudbiyeen wayna i kexeeyeen, wax yar kadibna maxkamad ayaa la i saaray waxaana la igu xukumay saddex sano. Reerkaygii iyo carruurtaydii Caddaaladdii(!!) waxay dajisey guri weyn oo ku yaal magaalo kale oo aan ahayn middii la igu xiray,reerkuna ii daganaa. Ilaa hadda ma aqaan cinwaankooda la iimana ogola inaan la xiriiro, xaalkoodana kama warqabo.

Wuxuu illaaway inuu joogo wadan la yiri qof walba xumaanta xor ayaad u tahay oo waxaad doonto ayaad samayn kartaa, wixii wanaagsanna wixii ay bulshadu kula qaadato mooyaane cidna kuma qasbi kartid, halka uu isagu ka yimid wadan wixii wanaagsan xor loo yahay, wixii xunna qof kasta ay saaran tahay inuu ka hortago.

Wuxuu malaha maskaxda ku hayey xadiiskii oranayey: Ninka reerkiisa ayaa la raaciyey, isaga ayaana la waydiinayaa aakhiro! Ma oga in masuuliyad iyo ragannimo ay ugu dambaysay markuu wadankiisii ka soo tagey, haddii uu laba-xiniinyood ahaana uu xiniinyihiisii soo aasay, haddana aanu cidna masuul ka ahayn ee ay yihiin uun dad xaafad ku wada nool oo qof walba meel kale looga taliyo.   