     Aqoonta Kumbiyuutarka
halka ka daalaco
Hordhac
Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?
Casharka 2-aad: Personal Computers (PC)
Casharka 3-aad: Dhismaha KumbiyuutarkaPC)
Casharka 4-aad:Motherboard ama Mainboard
Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
Casharka 9-aad: Processor-ka
Casharka 10-aad: Noocyada Processor-ka 1
Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2
Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3
Casharka 13-aad: Memory-da
Casharka 14-aad: Hard Disk-ga
Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga
Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga
Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka
Casharka 21-aad: CD Burner-ka
Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
Buugaag
Bilaash ah iyo links
html.somalitalk.com waxaad ka helaysaa casharro HTML ah oo ku qoran
af-soomaali
ComputerAssociates International, Inc. Waxaad ka hellaysaa program
Anti Virus ah oo lacag la'aan u ah qofkii u isticmaalaya si private ah.
Program-kaas oo layiraahdo InoculateIT, waan tijaabinay waana fiican
yahay ee ka faa'iideyso.
JavaBooks & Tutorials,
FreeJava Book,
JavaTutorial (Sun),
JavaSoft.com,
CTutorial,
C++ Tutorial,
Perl,
CGIDeveloper's Guide,
CGIQuick Reference,
Redhat Linux
Ururka Isbahaysiga Somalida Sweden
Kumbiyuutarka
iyo taariikhdiisa
Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha
barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo socda:
-
Waa maxay kumbiyuutar?
-
Taariikh kooban.
-
Noocyada Kumbiyuutarka.
Waa maxay kumbiyuutar?
Haddii
aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya
markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu
noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee
xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta
qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin
ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.
Waxaan maalin walba si joogta ah
ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu
soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku
ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door
lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha
casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha
casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin
korontada, taleefoonka iwm.
Waxaa laga yaabaa in marka aan
lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada
wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda
kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan taleefoon
ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama
aan fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli
daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn inay
farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas.
Dhammaan arrimaha aan kor ku soo
sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada
kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno.
Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay
jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.
Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la
oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli
karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay.
Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.
Taariikh kooban
Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii
1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed
iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto
kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri
weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo
yar yar.
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba
weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto
xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).
Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu
horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada.
Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid
ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada
waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala
galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay
wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo
keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka
awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu
qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.
Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa
qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u
dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo
yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo
wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha
8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.
Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.
Noocyada kumbiyuutarka
Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala
ah:
-
Super Computers
-
Big Computers
-
Mini Computers
-
Personal Computers
Super Computers
iyo Big Computers
Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu
qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa isticmaala
shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn,
waxayna hal mar fulin karaan hawlo fara badan mana aha wax lala yaabo in
boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan
uuna isku wakhti ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan.
Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka
shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators. Waxay
kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo
micnaheedu yahay in laga ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba.
Mini Computers
Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc ee hore
laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana loo isticmaalaa hawlaha
warshadaha sida xisaabinta iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay
isku mar qaban karaan ilaa konton arrimood.
Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga cimilada
umana baahna operator joogto ah.
Personal Computers
(PC)
Noocani waa nooca ugu yar inta
badanna laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan oo
loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii aan horay
uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay in la saaro miis dushiis, iwm.
PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga qiimaha.
Noocaan waxaa markii hore loogu tala galay in qofka isticmaalyaa uu
markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la isku xiro
kumbiyuutarro badan (Computer Network) halkaasna ay dad fara badani isku
mar ku wada isticmaalaan hal program ama in ka badan.
Qeybaha dambe ee cashareedeena
waxaan kaliya oo aan haddii rabbi idmo uga hadli doonnaa noocaan dambe
ee PC annagoo qeyb qeyb u soo qaadan doonna qeybaha uu ka kooban yahay
iyo program-yada uu ku shaqeeyo.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved.
www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii -aad laga
soo bilaabo 01-06-2000
Hordhac |
SomaliSoftware.com |
Casharka Xiga
Noocyada Hard Disk-ga
Casharrada
14-aad,
15-aad iyo
16-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu
yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa
ugu muhiimsan. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa noocyada
Hard Disk-ga.
Habka uu Hard Disk-gu ugu xirmo
akhbaartana ugu gudbiyo kumbiyuutarka intiisa kale waxaa loo yaqaan
"Hard Disk Interface" aad ayuuna muhiim u yahay. Haddaba marka laga
eego xagga Interface-ka Hard Disk-ga waxaa Hard Disk-yada maanta la
isticmaalo loo kala qaadaa laba nooc oo kala ah:
1.
IDE
2.
SCSI
Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid
ugu soo qaadan doonaa.
1.
IDE
Hard Disk-yada isticmaala
Interface-ka loo yaqaan IDE (Integrated Drive Electronics) waxaa
lagu magacaabaa IDE Hard Drives, waana nooca ugu caansan uguna badan
ee lagu isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.
Magacyada kale ee Interface-kaan loo yaqaan waxaa ka mid ah ATA,
ATA/ATAPI, EIDE, ATA-2, Fast ATA, ATA-3,
Ultra ATA iyo Ultra DMA. Magacyadaasi waxay ka
turjumayaan marxaladihii uu Interface-ka IDE-gu soo maray iyadoo
marka uu cillad weyn ka gudbo ama uu tallaabo weyn hore u qaadaba
magac cusub loo bixinayay.
Markuu noocaani soo baxay wuxuu kor u
qaaday xawaaraha, adkaysiga iyo is afgaradka Hard Disk-yada. Noocaan
waxaa inta badan lagu isticmaalaa Kumbiyuutarrada loogu tala galay
dadka caadiga ah iyo shaqaalaha kumbiyuutarka u isticmaala howl
maalmeedkooda. Taasna waxaa u sabab ah qiimihiisa oo jaban iyo
isticmaalkiisa oo fudud. Markii ay shirkadaha kumbiyuutarrada
sameeyaa arkeen in kumbiyuutarrada ugu badan ee la gataa ay yihiin
nooca loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha ayaa waxay
go'aansadeen inay soo saaraan kumbiyuutarro qiimahoodu jaban yahay
oo uu
Motherboard-kooda ku dhex dhisan yahay Interface-ka IDE-ga (fiiri
Casharka 8-aad) islamarkaana uu la socdo ugu yaraan hal Hard
Disk oo uu noociisu yahay IDE. Taasi waxay keentay in noocaani uu
suuqa qabsado.
Sidaan hore u soo sheegnay
Interface-ka IDE-gu wuxuu soo maray marxalado badan oo marba marka
ka dambeeya waa la sii casriyaynayay. Billawgii waxaa inteface-ka
IDE-ga loogu tala galay Hard Disk-yada oo kaliya, tiro ahaanna wuxuu
qaadan jiray oo ku xirmi karay laba Hard Disk oo kaliya. Waayo wuxuu
lahaa hal kanaal (waddada uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo
kumbiyuutarka intiisa kale) oo ay ku xirmi kareen laba Hard Disk oo
keliya. Waxaa intaas sii dheeraa iyadoo Hard Disk-ga adeegsanaya
Interface-ka IDE-ga uu qaadkiisu (size) ku koobnaa ugu badnaan 504
MB oo keliya. Waayo Interace-ka IDE-ga iyo
BIOS-ka midna awood uma lahayn inuu maamulo Hard Disk uu
qaadkiisu ka weyn yahay 504 MB.
Billawgii 1990-meeyadii ayaa waxaa la
garawsaday baahida loo qabo in Interface-ka IDE-ga loo isticmaalo
qalab kale oo aan Hard Disk ahayn. Taasina waxay keentay in wax laga
beddelo sidii uu IDE-gu u shaqayn jiray si uu u aqbalo qalab aan
ahayn Hard Disk-gii markii hore loogu tala galay. Interface-ka IDE-ga
waxaa maanta Hard Disk-yada la wadaaga qalab kale oo ay ka mid
yihiin CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iwm,
wuxuuna sida caadiga ah leeyahay laba kanaal oo ay kiiba ku xirmi
karaan laba ka mid ah qalabka aan kor ku soo sheegnay. Guud ahaan
waxay labada kanaal qaadan karaan 4 qalab oo isugu jira Hard Disk-yo,
CD-ROM, Zip Drive iyo Tape device. Waxaa kale oo meesha ka baxay
xadkii qaadka Hard Disk-gu uu ku xaddidnaa 504 MB oo waxaa maanta
IDE adeegsada Hard Disk-yo uu qaadkoodu kor u dhaafayo 30 GB.
o
IDE
Channels
Waddooyinka uu Hard Disk-gu akhbaarta
u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale ayaa waxaa loo yaqaannaa
Channels. Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu sida
caadiga ah leeyahay laba kanaal. Labadaas kanaal oo sidaan hore u
soo sheegnay ku dhex dhisan
Motherboard-ka waxay kala yihiin:
1.
Primary Channel
2.
Secondary Channel
Mid kasta oo ka mid ah labadaas
kanaal waxaa gala ama ku xirma fiilo ballaaran oo muuqaalka guud uga
eg suunka ay askartu dhexda ku xirato (fiiri sawirka hoose).

Fiiladaasi waxay sida saawirka kaaga
muuqata leedahay saddex af oo midkood ku xirmo
Motherboard-ka. Labada kale waxaa ku xirmi kara mid ka mid ah
qalabka isticmaala Interface-ka IDE-ga ee aan kor ku soo sheegnay.
Qalabka labada af ee dambe ee fiiladaas ku xirmayaa waxay tusaale
ahaan noqon karaan laba Hard Disk ama hal Hard Disk iyo hal CD-ROM
iwm. Khasab ma aha in labada afba wax lagu xiro oo taasi waxay ku
xiran tahay hadba tirada qalabka aad haysato. Tusaale ahaan haddaad
haysato hal Hard Disk oo kaliya islamarkaana aadan haysan CD-ROM,
markaa wuxuu Hard Disk-gaasi ku xirmayaa mid ka mid ah labada af ee
Primary Channel-ka. Afka kale ee Primary Channel-ka iyo labada af ee
Secondary Channel-kuba way iska banaanaanayaan oo waxba kuma
xiraysid, illeen waxaad ku xirtaba ma hayside. Haddaadse haysato hal
Hard Disk iyo hal CD-ROM markaa Hard Disk-ga waxaad ku xiraysa mid
ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka, CD-ROM-kana waxaad ku
xiri kartaa afka kale ee Primary Channel-ka ama mid ka mid ah labada
af ee Secondary Channel-ka. Sidaa iyo si la mid ah ayaad u
isticmaalaysaa labada kanaal iyo afafkoodaba.
o
Master / Slave
Mid kasta oo ka mid ah kanaallada
IDE-ga waxaa, sidaan hore u soo sheegnay, ku xirmi kara hal ilaa
laba ka mid ah qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga. Haddaba si ay
u suurto gasho in hal kanaal ay wada adeegsadaan laba shay, waxaa
muhiim ah in la helo nidaam lagu kala garto ama lagu kala sooco
labadaas shay. Sidaa darteed ayaa waxa la soo saaray nidaam faraya
in labada shay midkood laga dhigo Master kan kalena laga
dhigo Slave. Si mid ka mid ah labada shay looga dhigo
Master ama Slave waxaa la adeegsadaa waxa loo yaqaan
Jumper oo ah qolof yar oo madaw oo lagu daboolo laba ka mid ah
ilko yar yar oo bir ah oo ku samaysan qalabka adeegsada Interface-ka
IDE-ga (fiiri sawirka hoose).

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda laba
ilkood oo lagu daboolay Jumper islamarkaana ay labada dhinac
ka kala xigaan min laba ilkood oo aan wax dabool ahi saarnayn.
Sawirkaas oo muujinaya qaar ka mid ah Jumpers-ka
Motherboad-ka waxaan ugu tala galnay oo keliya inaad ku fahamto
waxa uu Jumper-ku yahay.
Qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga
waxaa inta badan la socda akhbaar kuu sheegaysa sida qalabkaas looga
dhigo Master ama Slave. Akhbaartaas waxaad had iyo
jeer ka heli kartaa buugga yar ee la socda qalabkaas. Waxaa kale oo
ay shirkadaha qaarkood akhbaartaas ku qoraan qalabka dushiisa ama
warqad dusha looga sii dhejiyo qalabkaas. Sawirka hoose wuxuu
muujinayaa Hard Disk lagu dul qoray akhbaarta sheegaysa sida Hard
Disk-gaas looga dhigo Master ama Slave.

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda lix
ilkood oo laba laba isugu aaddan. Labada ilkood ee xiga dhanka
bidixe waxaa ku hoos qoran xarfaha "MA" oo u taagan Master,
taasoo micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Master
Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee bidixda xiga. Labada
ilkood ee dhexe waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "SL" oo u taagan
Slave, taasoo uu micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga
dhigo Slave Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee dhexe.
Labada ilkood ee midigta xiga waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha
"CS" oo u taagan Cable Select, taasoo uu micneheedu yahay in
Hard Disk-gaasi uu adeegsanayo fiilo gaar ah oo iyadu awood u leh
inay iskeed u kala garato Master iyo Slave iyadoo aan
si cad loogu sheegin.
o
Xawaaraha IDE-ga
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay IDE-gu
xawaare ahaan way ka gaabiyaan nooca kale ee loo yaqaan SCSI oo aan
ka hadli doono.
Seek Time-ka Hard Disk-yada IDE-gu wuxuu u dhexeeyaa 8 ms ilaa
10 ms.
Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 3 ms ilaa 5.6 ms. Celcelis
ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u
dhexaysa 11 ms ilaa 15.6 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay
wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama
ku qoro
Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii
yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard
Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 11 ms wuu ka dheereeyaa kan uu
xawaarihiisu yahay 15.6 ms.
2.
SCSI
Nooca labaad ee Hard Disk-yadu waa
kuwa adeegsada Interface-ka loo yaqaan SCSI (Small Computers System
Interface) oo loogu dhawaaqo "iskaasi". Interface-ka SCSI-gu wuu ka
heer sarreeyaa, xawaare ahaana ka dheereeyaa Interface-ka IDE-ga ee
aan hore uga soo hadalnay, waxaana jira dhinacyo dhawr ah oo SCSI-gu
uu kaga fiican yahay IDE-ga. Sidaa darteed ayaa SCSI waxaa inta
badan loo isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan Servers-ka ee loo
isticmaalo inay xarun u noqdaan islamarkaana ay kala hagaan akhbaar
ama howlo ay dad badani isla isticmaalaan. Kumbiyuutarrada noocaas
loo isticmaalo waxaa tusaale ahaan ka mid ah Web Hosts (oo ah kuwa
xarunta u ah Homepage-yada Internet-ka) iyo kuwa loo yaqaan Mail
Servers (oo ah kuwa xarunta u ah E-mail-ka la isu diro) iyo kuwo
kale.
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay
SCSI-gu way ku yar yihiin suuqa kumbiyuutarrada ay dadka caadiga ahi
isticmaalaan, waayo qiimahooda ayaa ka sarreeya kan IDE-ga
islamarkaana dhinacyada uu SCSI-gu kaga fiican yahay IDE-ga waa kuwo
aan faa'iido sidaas ah oo la dareemi karo u lahayn dadka caadiga ah.
Intaas waxaa dheer iyada oo SCSI uu xagga isticmaalka ka adag yahay
IDE. Taasi waxay keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay
inta badan kumbiyuutarradooda u doortaan IDE.
Interface-ka SCSI-gu inta badan kuma
dhex dhisna
Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo loo
yaqaan SCSI Host Adapter oo la geliyo mid ka mid ah
Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada disk-yada
iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga badan inta IDE ku xirmi
karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk Interface ee waa
Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15 nooc oo ka mid ah
noocyada qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo.
Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar kaar oo
SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan 15 ah qalab kala duwan. Laakiin
sida xaqiiqada ah way adag tahay in hal kumbiyuutar lagu xiro tiro
intaas le'eg oo ah qalab kala duwan, waayo waxaa jira dhawr arrimood
oo arrintaas ka dhigaya mid aan munaasab ama suurtogal ahayn.
Si loo kala sooco qalabka ku xirmaya
Interface-ka SCSI-ga waxaa mid kasta oo qalabkaas ka mid ah la
siiyaa nambar u gaar ah oo lagu garto. Nambarkaas waxaa loo yaqaan
SCSI ID wuxuuna ka billawdaa 0 (eber) iyadoo mar kasta lagu darayo
hal, sida 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7 ... iwm. Hal nambar islama qaadan
karaan laba shay ama wax ka badan, waayo haddii ay taasi dhacdo
waxaa imaanaysa in labada shay ee isku nambarka ahi ay isku dhacaan
oo la kala garan waayo. Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in
shay kastaa uu qaato hal nambar oo isaga u gaar ah.
Qalabka adeegsada Interface-ka SCSI-gu
wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah:
1.
Internal Devices:
Oo ah qalabka la galiyo oo lagu rakibo santuukha kumbiyuutarka
dhexdiisa sid Hard Disk-yada, CD-ROM, CD-WR, Tape Drives iyo kuwo
kale.
2.
External Devices:
Oo ah qalabka xagga dambe kaga xirma santuukha kumbiyuutarka iyagoo
bannaanka yaalla sida Printers-ka, Scaners-ka iyo Hard Disk-yada iyo
CD-ROM-yada ku xirma santuukha kumbiyuutarka iyagoo bannaanka ka
yalla (External Hard Drivers / External CD-ROM Drives) iyo kuwo
kale.
Halka IDE markiisii hore loogu tala
galay Hard Disk-yada oo keliya, SCSI waxaa markiisii horeba loogu
talagalay inay isticmaalaan qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu
xiriiriyo iyadoo aan Hard Disk-yada la siinin mudnaan gaar ah oo
laga duulayay in Har Disk-yadu ka mid noqdaan noocyada qalabka kala
duwan ee adeegsanaya Interface-ka SCSI. Taasi waxay keentay in SCSI
uu xagga xawaaraha, tirada noocyada qalabka ku xirmi karaba kaga
horreeyo nooc kasta oo ka mid ah noocyada Interface-yada loo
isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.
Xawaaraha
SCSI-ga
Hard Disk-yada uu noocoodu yahay
SCSI-gu xawaare ahaan way ka dheereeyaan nooca kale ee loo yaqaan
IDE-ga.
Seek Time-ka Hard Disk-yada SCSI-gu wuxuu u dhexeeyaa 4 ms ilaa
8 ms.
Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 2 ms ilaa 3 ms. Celcelis ahaan
xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 6 ms
ilaa 12 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard
Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro
Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii
yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard
Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 6 ms wuu ka dheereeyaa kan uu
xawaarihiisu yahay 12 ms.
Casharkaanna halkaas ayaan ku
joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan
doonnaa Floppy Disk Drive-ka.
Copyright © 2000 Somali Software. All
rights reserved.
www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii -aad laga
soo bilaabo 2001-08-05
Casharkii Hore |
SomaliSoftware.com |
Casharka Xiga
DVD Drive-ka
Sawir muujinaya nooc ka
mid ah DVD Drive-yada suuqa ka jira
DVD drive-ku waa halka
kumbiyuutarka laga geliyo saxammada DVD-ga ee lagu daawado filammada
iwm. Waxa kale oo DVD drive-ka loo adeegsadaa in saxammada DVD-ga
akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar ku jirta wax laga beddelo ama
lagaba tirtiro. Saddexda xaraf ee DVD-ga waxaa la sheegaa in ay u
taagan yihiin "Digital
Video Disc" ama "Digital
Versatile Disc", hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in
saddexdaas xaraf la iska doortay oo aysan wax micne leh u taagnayn.
DVD drive-ku sida
CD Burner-ka
ayuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba wuxuu kala mid yahay
CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay
Casharka 19-aad iyo
Casharka 20-aad. DVD drive-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa
sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka
uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa DVD
drive-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa
darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto DVD drive uu astaan u yahay
xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay
xarafka E: ama F: iwm.
DVD Drive-ku wuxuu in badan
kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD Burner-ka sidaa darteed waxaad
akhbaar badan oo ku saabsan DVD Drive-ka ka helaysaa casharrada ka
hadlaya CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka
hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa
casharradaas.
Baaxadda iyo cabbirka saxammada DVD Drive-ka
Baaxadda saxammada DVD-gu aad ayay uga weyn tahay
kuwa CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka waxayna baaxaddoodu gaaraysaa inta u
dhexeysa 4.7 GB ilaa 17 GB (xusuusnow in halkii GB uu u dhigmo 1000
MB). Kordhinta baaxadda DVD-ga waxaa keenay arrimaha soo socda:
- Marka saxammada DVD-ga iyo CD-ga akhbaar lagu
qorayo waxaa oogada saxanka lagu gubaa dhibco aad u yar yar oo
ili ma aragtay ah. Haddaba si loo
kordhiyo baaxadda saxanka DVD-ga waxaa la yareeyay dhumucda
dhibcaha lagu gubo oogada DVD-ga iyadoo halkii dhibicba
dhumucdeeda laga dhigay ugu yaraan 0.4 microns (0,001 mm) halka
dhumucda dhibicaha lagu gubo oogada CD-gu ay ka tahay ugu yaraan
0.83 microns. Teeda kale waxa la yareeyay fogaanta u dhaxaysa
Track-yada saxanka DVD-ga oo fogaantaas waxaa laga dhigay 0.74
microns halka fogaanta u dhaxaysa Track-yada CD-gu ay ka tahay
1.6 microns. Halkaa waxaa ka dhashay in akhbaarta lagu qoro DVD-gu
ay aad isugu cufnaato, taasoo keentay in saxanka DVD-gu uu qaado
akhbaar gaaraysa ilaa 4,7 GB. Fadlan fiiri labada sawir ee
midigta ka muuqda kuwaas oo muujinaya farqiga xagga cufnaanta
akhbaarta ee u dhexeeya CD-ga iyo DVD-ga.
- Waxaa la suurto galiyay in akhbaarta saxanka
DVD-ga lagu qoro laba lakab (layers) oo is dul saaran iyadoo
halkii lakabba uu qaado 4.7 GB, taasoo keentay in DVD-gu uu
qaado akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB.
- Waxaa kale oo la suurto galiyay in saxanka
DVD-ga labada dhinacba wax looga qoro taasoo iyaduna keentay in
hal saxan uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.
Marka laga eego xagga baaxadda waxaa guud ahaan
saxammada DVD-ga loo kala qaadaa afar nooc oo kala ah:
- Single sided / single layer
oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro,
islamarkaana akhbaarta lagu qoro hal lakab oo kaliya. Saxammada
noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta 4.7 GB.
- Single sided / Double layer
oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal
dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro laba lakab
oo is dul saaran. Saxammada noocaan ahi waxay qaadaan akhbaar
gaari karta ilaa 8.5 GB.
- Double sided / Single layer
oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga
qoro, laakiin dhinac kasta akhbaarta lagu qoro hal lakab.
Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 9.4
GB.
- Double sided / Double layer
oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga
qoro, islamarkaana dhinac kasta akhbaarta lagu qoro laba lakab.
Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 17
GB.
Saxammada DVD-gu waxay xagga cabbirka kala mid
yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri
Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda
iyo Cabbirka CD-ROM-ka".
Muhiimadda DVD Drive-ka
DVD Drive-ku wuxuu
faa'iidooyinka CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka ee aan hore u soo sheegnay
ku sii kordhiyay iyadoo baaxadda saxammada DVD-gu ay aad uga weyn
tahay tan saxammada CD-ROM-ka iyo kuwa CD-Burner-ka. Hal saxan oo
DVD ah ayaa waxaa lagu kaydin karaa akhbaar la mid ah inta ay
qaadaan 7 ilaa 26 saxan oo ah CD-ROM-ka caadiga ah. Taasi waxay
keentay in hal saxan oo DVD ah lagu kaydiyo:
- dhamaan akhbaarta ku
jirta kumbiyuutarka (Full Backup).
- filin dheer oo
soconaya ilaa 3 saacadood islamarkaana tayada sawirradiisu aad u
sarrayso iyo in weliba filinka la raaciyo akhbaar dheeri ah oo
filinka barbar socota oo dadkii filinka sameeyay ay sharraxaad
uga bixinayaan sida filinka loo sameeyay iyo micnaha iyo ula
jeeddada ka dambaysa qayb kasta oo filinka ka mid ah.
- Tiro ciyaaro ah (games) oo ay tayada
sawirradoodu (Graphics) ay aad u sarrayso.
- dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay mid ka mid
ah buugaagta loo yaqaan encyclopedia ee ka hadla taariikhda iyo
dhacdooyinka adduunka, waddammada, dadka, xayawaanka, cayayaanka,
dhirta, macdanta iyo dhammaan laamaha culuunta kala duwan.
- heeso fara badan oo marka la isu geeyo socon
kara ilaa 16 saacadood.
Faa'iidooyinka kale ee uu DVD
Drive-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed
fiiri
Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda
CD-ROM-ka".
Dhismaha DVD Drive-ka
DVD Drive-ku wuxuu xagga
dhismaha guud kala mid yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD buirner-ka,
sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka
19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM
Drive-ka". Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhinacyo uu DVD Drive-ku
kaga duwan yahay CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Dhinacyadaas waxaa ka
mid ah:
- Head-ka DVD drive-ku
wuxuu adeegsadaa farsamo u suurto galinaysa in uu iftiinka
Laser-ka ku beego hadba dhinaca saxanka iyo lakabka uu rabo inuu
wax ku qoro ama wax ka soo akhriyo. Taasoo micneheedu yahay in
DVD drive-ku uu awood u leeyahay in iftiinka uu saxanka uga
shido dhinaca hoose islamarkaana uu ku beego oo uu wax ka soo
akhriyo dhinaca kore lakabka ugu sarreeya. Haddii tusaale ahaan
uu saxanku yahay Double-sided / Double layer wuxuu markaa
iftiinku ka gudbayaa saddex lakab oo akhbaar ah si uu u soo
akhriyo akhbaarta ku qoran lakabka ugu sarreeya isagoo aan
akhbaarta isku khaldayn.
- DVD Drive-ku wuxuu u
baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan isaga loogu tala
galay saxammadaas oo u kala baxa sida aan kor ku soo sheegnay.
Marka laga reebo in saxanka DVD-ga akhbaar lagu qoro,
waxaa kale oo DVD Drive-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii
akhbaar ah ee ku jira saxammada DVD-ga, CD-ROM-ka, Audio Drive-ka
(Stereo) iyo kuwa CD-R iyo CD-RW oo ay DVD drive-yada badankoodu wax
ka soo akhrin karaan. Markaa wuxuu DVD Drive-ku u shaqeeyaa sida
CD-ROM-ka caadiga ah. Taas micnaheedu wuxuu yahay in DVD Drive-ku uu
qaban karo dhammaan howlaha ay qabtaan CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka
iyo in kale oo lagu sii kordhiyay. Haddaba sida aad halkaa ka garan
karto DVD Drive-ku wuxuu ku socdaa in mustaqbalka uu suuqa ka saaro
CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka labadaba.
Casharkaanna halkaas ayaan
ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan
doonnaa noocyada iyo xawaaraha DVD Drive-ka.
Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved.
www.somalisoftware.com
Waxaad tahay akhristihii -aad
laga soo bilaabo 2003-06-01
Casharkii Hore
|
SomaliSoftware.com
| Casharka Xiga
[an error occurred while processing this directive]
|